bisha cas ee degmada ceerigaabo oo cuno qaybisay

xarunta bisha cas ee degmada ceerigaabo ayaa cuno u qaybisay qoysas danyar ah qoysaskaas oo aad u tiro badnaa si kas taba ha ahaatee cuno qaybintan ayaa ku soo dhamaatay jawi wanaagsan
arintan ayaa ku soo beegmaysa iaydoo gobolka ay ka jirto abaar aad u daran

MUDAHARAADYO LAGU TAAGEERAYOJIRITAANKA IYO MIDNIMADA SOMALILAND OO KA SOCDA CEERIGAABO

waxaa magaalada ceerigaabo ka socda mudaharaadyo lagu taageerayo midnimada iyo jiritaanka somaliland
mudaharaadyadan ayaa waxaa dhigay boqolaal dadweynaha ku dhaqan magaalada ceerigaabo ee xarunta gobolka sanaag
iyagoo sita calanka somaliland ayay mudaharaadayaashu socod ku mareen wadooyinka waaweyn ee ceerigaabo
arintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo shir uga socdo magaalada taleex beesha degta deegaanadaas

DALADA NAGAAD EE HAWEENKA SOMALILAND OO XAFIIS CUSUB KA FURATAY CEERIGAABO

ururka haweenka somaliland dalad ay leeyihiin oo fadhogoodu yahay hargeysa ayaa xafiis cusub ka furtay magaalada ceerigaabo ee xarunta gobolka sanaag
munaasibada furitaanka ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta heerdegmo iyo saladiin waxayna dhamaantood sheegeen in ay la shaqayn doonaand ururkan haweenweynaha

BADHASAAB CUSUB OO LOO MAGCAABAY GOBOLKA SANAAG

warsaxaafadeed shalayto ka soo baxay xafiiska madaxtooyada ee somaliland ayaa waxaa xilkii lagaga qaaday sadex gudoomiye gobol oo uu ku jiro gudoomiyihii hore ee gobolka sanaag cali cabdi hure
waxaa sidoo kale xilalkii laga qaaday gudoomiyayaashii gobolada togdheer iyo gebiley waxaana lagu bedeley kuwo kale
gobolka sanaag ayaa waxaa madaxweynuhu u soo magcaabay mudane aadan diiriye cigaal oo ka soo jeeda beesha badhasaabkii hore(reer cawl) oo gobolka hargeysa u dhashay
badhasaabka la bedeley ayaa waxa uu xilka hayey mudo sideed sanadooda waxana uu xilka wareejinayaa maalinta sambtida ah sida la filayo

wardegdeg ah 1 qof ayaa ku dhintay kuwo kalena way ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhaca aaga shimbiraale

gaadhi noociisa ah SURF ayaa ku dhacay meel u dhow tuulada shimbiraale oo koonfur kaga beegan magaalada ceerigaabo gaadhiga oo ay wateen saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka ninka dhintay ayaa lagu magcaabaa cabdi shukuur cali buraale halka dhowrkalena ku dhaawacmeen shilkaasi

warar kooban(kudoomiyaha usrursiyaasadeedka rays oo si weyn loogu soo dhoweeyey ceeribaabo ina gaafaadh) ururka bisha cas ee cerigaabo oo tababar u soo xidhay

warar kooban(kudoomiyaha usrursiyaasadeedka rays oo si weyn loogu soo dhoweeyey ceeribaabo ina gaafaadh) ururka bisha cas ee cerigaabo oo tababar u soo xidhay dhalinyaro caaafimaadka ku saabsan

wadada isku xidha burco iyo ceerigaabo oo hawsheedii socoto


waxaa siweyn u socda dhismaha wadada isku xidha burco iyo ceerigaabo waxaan hawashaa u tafaxaytey dadka reer sanaag oo kude iyo debedba isku duuban hadaba waxaanu goordhow idiin soo gudbindoonaa faahfaahinta rasmiga ah iyo xogta ee la soco

urursiyaasadeedka NASIYE oo olilihiisii ka bilaabay ceerigaabo


ururkan ayaa saaka ololihiisii ugu balaadhnaa ka bilaabay magaalada acceeriagaabo ee xarunta gobolka sanaag
abaabuur ay ku rakibanyihiin mikirifoono ayaa saaka subuxii horaba bilaabay kaambaynka ururkaasi waxaana ka baxayey heeso wasani ah
taageerayaasha ayaa iyaguna isugu yimi xarumaha uu ururku ku leeyahay magaalada
gudoomiyaha ururka ee gobolka sanaag oo ah farxaan maxamuud xidig oo ka mida dhalinyarada ugu firfircoon gobolka iyo cali cadami ayaa hogaaminayay ololaha ururkaasi inkastoo aanu weli gudoomiyaha ururku axmed maxamuud cumar soo gaadhin hadana saaka aad ayaa looga daremayaa gobolka

sarifka lacagaha doolarka oo ceerigaabo hoos u dhac ku yimi

qiimaha sarifka doolarka ayaa gaadhey heerkuu ugu hooseeyey magaalada ceerigaabo iyadoo boqolkii dolar lagu sarifayo laba malyan iyo todoba boqol halka markii hore lagu sarifi jirey sadex malyan iyo laba boqol oo shilin somali ah
arintan ayaa aan waxba ka bedelin qiimihii maciishada oo qiimeheedu weli sareeyo

tacshiirad xalay lagu furay meel megherad ah ceerigaabo

weriye ku sugan magaalada ceeri nin uu rasaas ku furay nin meherad ku haysta ceerigaabo
inkastoo aany cidina wax ku noqon hadana arintani waxay cabsi ku abuurtay islamarkaana werwer gelisey dadka ku dhaqan ceerigaabo iayadoo uu hakad ku yimi dhaqdhaqaaqa dadweynaha ceerigaabo wixii ka soo kordha la soco